Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu ka horjeediyay Golaha Baarlamaanka ku sheegay in Somaliland ay dadaal xoogan ku bxiisay sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah balse beesha caalamku ay iska indhatirtay in ay garawsato qaranimada Somaliland.
Biixi ayaa sheegay in Somaliland inti ay jirtay ay si nabad ah xilka u kala wareegeen shan Madaxweyne, iyada oo si toos ah loosoo doortay Saddex Madaxweyne, Laba Gole Wakiillo iyo Saddex Gole Deegaan, taas oo ah arrin ku yar dowladaha Afrika.
“Somaliland hawsha intaa leeg ayey qabsatay, iyada oo Beesha Caalamku ka cago-jiidayso Ictiraafkii ay sharciyan iyo siyaasiyanba xaqa u lahayd. Sidoo kale, Dawladaha Afrika qaarkood iyo kuwa Dimuqraadiyadda dadka ugu baaqaa wali may garawsan Qaranimadeenna” ayuu yiri, Biixi.
Muuse Biixi ayaa ku tilmaamay dowladaha u dooda dimuqraadiyadda in ay ku dhaqmaan siyaasad ku dhisan laba wajiile, wuxuuna yiri; ” Arrintaasi waxay ina tusaysaa siyaasadaha labada waji leh ee ay ku dhaqmayaan Dawladaha qaarkood. Taasina waa dhalliil ay leeyihiin kuwa Dimuqraadiyadda u doodaa”.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu tusaale usoo qaatay Axdiga Midowga Afrika, isaga oo tilmaamay in dhammaan dalalka Afrika ay ku fadhiyaan xudduud uu ka tegay gumystihii reer Yurub, Somaliland-na ay qayb ka tahay dalalkaas.
“Somaliland waa Dalka qudha ee leh xuduudo caalami ah oo ku fadhiya kuwii isticmaarka, isla markaana uu Midowa Afrika ka cago-jiidayo aqoonsigeeda”.
Biixi ayaa inatas ku daray in xukuumaddiisu ay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay aqoonsi-raadiska Somaliland, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in shacabka Somaliland ay ka mira dhalin doonaan madax-bannaanidooda muddo kasta oo ay qaadanayso.
Dhanka kale, Biixi waxa uu dib ugu laabtay sooyaalka shantii Soomaaliyeed iyo halka ay ugu dambeyn u kala guureen, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay doorato dariiqa ay doonto sida ay degaanada Soomaalida kaleba u qaateen go’aan iyaga u ah dan .
Biixi ayaa yiri; ” Shantii Soomaaliyeed mid walba dantiisa ayuu raacday, innaga mooyee. Maanta waad arkaysaan NFD halka ay marayso. Kenya ayay la midowday, guul baanay ku gaadhay. Soomaalidii Ethiopia deganaydna Itoobiya ayay wax la yeesheen, iyaguna meel wacan ayay marayaan. Soomaalidii French Somaliland-na Canfar ayay wax la yeesheen, waanay ku dhaqan yihiin”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri; “Soomaalidii Talyaanigu Gumaysan jiray waxaabay dafirsan yihiin in aan kala ahayn laba Dawladood oo u midoobay in ay midowga Shanta Soomaaliyeed horseed u noqdaan”.
Somaliand waxa ay bishii lasoo dhaafay xustay sannad guuradii 33-aad ee kasoo wareegtay xilligi ay dadka deggan waqooyiga Soomaaliya go’aansadeen in ay ka go’aan Soomaalida inteeda kale kuna dhwaaqeen dowlad lagu magacaabo ” Somaliland”.
In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.
Dowladaha Geeska Afrika ayaa la tacaamula Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay u aqoonsanyihiin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay wada yeesheen wada hadallo soo billaawday sannadkii 2012, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah sida Istanbul, Abu Dubai iyo Jabuuti inkasta oo dadka la socda wada hadalladaas ay tilmaameen in aan wali la gaarin nuxurka wada hadallada ee ah masiirka Somaliland.