Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo sheegtay in ay qabatay Basaasiin ajnabi ah

Hargeysa (Dawan)- Maamulaka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa laga soo qabaty shakhsiyaad ajaanib ah oo ay ku eedeysay in ay yihiin Basaasiin.

“Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee magaceedda loo soo gaabiyo NIA ayaa howlgalo qorsheysan ka fulisay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargaysa. Hawlgalkan ayaa lagu soo qabtey 17-qof oo ah shabakad Basaasiin ajanabi ah” ayaa lagu yiri, war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha magaca Somaliland.

Isbuucaan gudihiisa ayay ahayd markii ay Somaliland sheegtay in ay qabatay toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggaas ayaa kasoo kala jeeday dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, inkasta oo ay dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here