Tuesday, September 24, 2024

Soomaaliya iyo Ciraaq oo kawada hadlay iskaashiga amniga

Bagdaad (Dawan)-  La-taliyaha Amniga Qaranka , Xuseen Sheekh Cali oo booqasho ku jooga dalka Ciraaq ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas, Qaasim Al-Acraji, iyada oo kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.

Qoraal kasoo baxay xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa lagu xusay in labada dhinac ay sidoo kale is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha taagan iyo danaha labada dal, oo ay ka mid yihiin iskaashiga la dagaalanka kooxaha argagixisada, amniga iyo xasiloonida gobolka iyo is dhaafsiga khibradaha.

labada La-taliye ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq kaas oo u adeegaya danaha dadka Soomaaliyeed iyo Ciraaq iyo guud ahaan xasiloonida gobolka iyo caalamka.

Wafdiga uu hoggaaminayo La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmi doona mas’uuliyiinta hay’adaha kale ee amniga, waxeyna booqan doonaan qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Ciraaq.

La-taliyaha Amniga Qaranka Ciraaq ayaa muujiyay sida ay dowladda iyo shacabka Ciraaq uga mahadcelinayaan dalalka saaxiibada la ah ee kala shaqeynaya sidii looga mira dhalin lahaa himilooyinka amniga caalamka , wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka cid kasta oo ka shaqeynaya danta dalalka iyo dadyowga gobolka iyo dunida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here