Thursday, September 19, 2024

Geelle oo u diray Abiy Axmxed farriin la xiriirta iskaashiga labada dal

Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u diray Ra’iisul Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed farriin la xiriirta iskaashiga labada dowladood, waxaana farriinta gaarisiiyay Abiy Axmed, Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho ku tegay dalkaas.

Ra’iisul Wasaraha Itoobiya ayaa bartiisa X kusoo qoray in xiriirka nuucan ah uu u adeegayo iskaashiga iyo kobcinta isfahanka arrimaha ka dhexeeya labada dhinac, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashiga danaha labada dowladood iyo xasiloonida gobolka.

Iskaashiga diblomaasiyadeed ee dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la meelmariyay sannadkii 1897-kii, iyada oo isbddel xoogan uu ku yimid marxaladihii lasoo dhaafay, waxeyna labada dal iska kaashadaan dhinacyada kala duwan sida, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Tan iyo bishii May 1998, waxay dowladda Itoobiya go’aansaday in ay dhammaan badeecadaha dalkeeda kala soo degto dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii  Eritrea ku waaysay dekaddii Assab .

Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Jabuuti waxa ay dhaqaale xoogan ku bixisay horumarinta kaabayaasha dekedaheeda, hadana waxa ay leedahay  shan dekedood oo lagu tiriyo kuwa ugu horumarsan qaaradda Afrika, iyada oo sidoo kale hirgelisay waddooyin waaweyn iyo tareennada ku shaqeeya korontada ee isku xira  dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Bishii hore, waxay labada dowladood si rasmi ah ugala wareegeen Shirkadda Dhismaha waddooyinka Tareennada ee Shiinaha (CRCC) waddada tareenada ee isku xirta labada dal oo gaareysa 750 kilomitir.

Waddadaan oo dhismaheeda la billaabay 2011-kii waxay kasoo billaabata Addis Ababa, iyada oo ku dhamaata dekedda Jabuuti, waxaana ku baxay qarsha dhan 4 bilyan oo doolar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here