Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaan weli suurtagelin inkasta oo dowladaha Masar, Qatar iyo Mareykanku ay wadaan waan-waan la isagu soo dhawaynayo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Israel.

Ciidamada Israel waxay duulaanka Gaza ku dileen in ka badan 37,370 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawaceen 85,400 oo kale tan iyo 7-dii October ee sannadkii hore.

Dhanka Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 548 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,200 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Shir Madaxeedka WHO

Geneva- Magaalada Geneva waxaa ka billaawday shirka sanadlaha ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) si loo taageero ajendaha caafimaadka ee ay soo jeediyeen dowladaha G20 iyo G7.

Shirka waxaa sidoo kale lagu gorfayn doona Mustaqbalka diblomaasiyadda caafimaadka caalamiga ah ee adduunka isbeddelaya. Agaasimaha guud ee WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa khudbad ka jeedinaya furitaanka shirka.

Waqooyiga Kuuriya

Pyongyang- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa wada xaajood ku yeeshay magaalada Pyongyang.

Labada madaxweyne ayaa isla qaada dhigaya arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka hubka, waana markii ugu horeysay ee uu Putin booqdo Waqooyiga Kuuriya muddo 24 sano ah.

Wada hadallada laba geesoodka ah kadib Putin wuxuu u ambabixi doonaa Hanoi, halkaas oo uu Khamiista kula kulmi doono mas’uuliyiinta Vietnam.

Bandhiga caalamiga ah ee difaaca badaha Fleet-2024

Ruushka ayaa martigelin doona bandhigga caalamiga ah ee difaaca badda ee Fleet-2024 oo ka dhici doona Kronstadt, oo u dhow St. Petersburg, ilaa 23-ka June.

Bandhigan waxaa inta badan lagu soo bandhigaa maraakiibta iyo doomaha dagaalka, xakamaynta hubka iyo nuucyadiisa kala duwan, hababka dagaalka, nidaamyada isgaarsiinta ciidamada, tignoolajiyada cusub iyo agab dagaal oo horumarsan.

Shiinaha/ Malaysia

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa kula kulmaya magaalada Kuala Lumpur Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibraahim.

Labada dhinac waxay u badan tahay inay ka wadahadlaan iskaashiga dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid tahay qorshaha ay Malaysia ku dooneyso in ay ugu biirto BRICS.

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha ayaa lagu wadaa in uu soo gabagabeeyo booqashada uu ku marayo dalalka New Zealand, Australia iyo Malaysia.

Nigeria/ Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda Nigeria Yusuf Maitama Tuggar ayaa booqasho todobaad ah ku tagi doona Shiinaha, ka dib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah u shir guddoomin doona shirka guud ee guddiga iskaashiga Shiinaha iyo Nigeria.

Koonfur Afrika

Madax iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan xafladda caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo ka dhacaysa caasimadda Pretoria, ka dib markii dib loo doortay Jimcihii la soo dhaafay.

Canada

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa booqan doona Ottawa, isagoo la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.

CIYAARAHA

Kualamada labaad ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa caawa la ciyaaraya, iyada oo Xulka Croatia uu wajihi doona xulka Albania.

Jarmalka ayaa la ciyaari doona kulankiisa labaad Hungary oo ay kuwada jiraan Group A waxayna ciyaartu ka dhici doonta magaalada Stuttgart.

Magaalada Cologne waxay marti gelin doonta kulanka u dhexeeya Scotland iyo Switzerland oo wada tirsan Group A.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here