Thursday, September 19, 2024

Midwoga Afrika oo taageeray qorshaha howlgalka cusub ee amniga Soomaaliya

Addis Ababa (Dawan)- Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo qaabilsan amniga Soomaaliya kadib marka ay dalka ka baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ogolaaday codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in mar kale dib loo dhigo bixitaanka ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika kaas oo dib u eegis ku sameeyay warbixintii qiimeynta bixitaanka ATMIS iyo qorshaha amniga Soomaaliya kadib howlgalka Midowga Afrika.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo guulaha ay gaareen ciidamada nabad ilaalinta tan iyo markii loosoo diray Soomaaliya sannadkii 2007.

“Waxaan ku ammaaneynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkooda joogtada ah iyo taageerada ay u hayaan ATMIS iyo Guddiga Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka.

Midowga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo xasillooni waarta.

Goluhu wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo taageero joogta ah oo ka timaada saaxiibada caalamiga ah si loo hubiyo in si habsami leh loosoo gabagabeeyo howlaha ATMIS loona gudbo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

“Bixitaanka ciidamada ATMIS waa in si taxadar leh loo waafajiyaa howlgalka cusub si loo hubiyo inaysan dhicin dal-daloolooyin amni iyo in la sii wado taageerada dadaallada xasilinta Soomaaliya,” ayuu Goluhu ku daray war-saxaafadeedkiisa.

Qorshaha bixitaanka dhamaytirka ATMIS ayaa ahaa in ay baxaan 2000 markiiba bilaha June iyo September 2024, iyada oo goobaha ay ka baxaan lagu wareejin doono ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa hore loogu wareejiyay ku dhawaad 10 saldhig oo ay hore joogeen ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, waxaana ka mid ah goobaha muhiimka ee lagu wareejiyay ciidamada amniga Soomaaliya Madaxtooyada iyo Golaha Baarlamanaaka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here