Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Isarel/ Lubnaan

Lubnaan- Isku dhacyo militari ayaa si maalinle ah u dhex mara ciidamada Israel iyo kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan tan iyo markii uu billaawday duulaanka Israel ee magaalada Gaza, waxaana ka dhashay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Kooxda Xisbullaahi waxay sheegtay in ay Isniinti bartilmaameedsatay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Israel oo ku dhaw xadka Lubnaan, iyaga oo ka jawaabaya madaafiic ay Israel ku garaacday Koonfurta dalkaas.

Dhanka kale, lix iyo toban safiir oo ajnabi ah oo ay galbinayeen afar wasiir oo Lubnaaniyiin ah ayaa booqday garoonka caalamiga ah ee Rafik Hariri ee magaalada Beirut ka dib markii dhawaan ay warbaahinta reer-galbeedku baahisay in garoonka lagu kaydiyo hub ay soo dhiibtay dowladda Iran.

Falastiin

Gaza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,600 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 86,100 kale.

Burbur baaxad leh ayaa sidoo kale soo gaaray dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaza.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 553 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,360 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Yasmina Gerda oo ah mas’uul ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Gaza ayaa sheegtay in Gaza lagu dilay in ka badan 200 oo shaqaale samafal ah tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay.

Yasmina ayaa intaas ku dartay in aysan jirin qof ku nabad gelayaa marinka Gaza marka loo eego weerarada aan kala sooca lahayn ee ciidamada Israel.

Sidaas oo tahay ciidamada Israel wali ma gaarin wax guul ah oo la taaban karo, waxaana fashilmay Golihii Wasiirada ee loo xil saaray dagaalka taas oo keentay in la kala diro.

Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu waxa uu hadda wajahaya cadaadiskii ugu adkaa sooyaalka siyaaddiisa, waxaana hoos u dhac ku yimid taageerada loo hayo xisbigiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa u safar ku tagaysa maanta oo Talaada ah Falastiin iyada oo la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Falastiin Mustafa, ka dib waxay la kulmi doontaa dhiggeeda Israel.

Annalena Baerbock ayaa sidoo kale booqan doonta Lubnaan si ay mas’uuliyiinta dalkaas ugala hadasho xaaladda Bariga Dhexe iyo xiisadda ka taagan gobolka.

TÜRKIYE / Czech

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa magaalada Ankara kula kulmi doona dhiggiisa Czech Jan Lipavsky si ay uga wadahadlaan xiriirka labada dal, xiriirka Turkiga iyo Midowga Yurub iyo isbeddellada caalamiga ah .

Faransiiska

Ololaha doorashada Faransiiska ayaa maraya meel adag, iyada oo ay qaar ka mid ah madaxda xisbiyadu ka qayb qaadanayaan doodaha toos uga baxa warbaahinta dalkaas.

Doorashadan oo ah mid lasoo hormariyay ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 30-ka bishaan June, waxaana la saadaalinaya in Xisbiyada Midigta Fog ay guul ka gaari karaan doorashada.

Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya inuu si rasmi ah u bilaabo wada xaajoodka xubinnimada ee Ukraine iyo Moldova, kuwaas oo ku haminaya inay ku biiraan Midowga.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Midowga Yurub ayaa maanta ku kulmaya Luxembourg, halkaas oo la filayo in ay ka bilaabaan wada xaajoodka xubinnimada ee Ukraine iyo Moldova.

Shirkan heerka wasiireed ah ayaa hor dhac u ah shir-madaxeedka Midowga Yurub ee lagu wado in la qabto 27-ka iyo 28-ka bishan June.

Congo

Madaxweynaha Congo, Denis Sassou Nguesso ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Moscow, iyada oo booqashadiisu kusoo beegnatay sannad guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Jamhuuriyadda Congo.

Nguesso ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wadahadli doona arrimaha la xiriira iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan hirgelinta heshiisyadii ay labada dal horay u wada galeen.

Kenya /Haiti

Kenya ayaa ciidamo Boliis ah u dirtay dalka Haiti si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Qaramada Midoobay ee caalamiga ah kaas oo looga gol leeyahay in wax looga qabto rabshadaha burcadda iyo xasilooni darrada ka jirta dalkaas.

CIYAARAHA

Kulamada ugu dambeeya Group-yada ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa lagu ciyaaraya magaalooyinka kala duwan ee dalka Jarmarka.

Group C waxaa isku arki doona England iyo Slovenia, halka Denmark ay la ciyaari doonto Serbia.

Dhinaca kale Hogaamiyayaasha Group D Netherlands ayaa wajihi doona Austria, halka France ay la ciyaari doonto Poland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here