Saturday, July 27, 2024

Shaqaalaha Bangiga Horumarinta Afrika oo ku laabanaya Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Jimcihii sheegay in shaqaalihiisa caalamiga ah ee isaga baxay Itoobiya bishii hore in ay dib ugu soo laaban doonaan si ay u billaabaan shaqadooda caadiga ah.

Go’aankan ayaa yimid ka dib markii ay Bangiga iyo Dowladda Itoobia ka heshiiyeen khilaaf soo kala dhax galay dhawaan kaas oo keenay in shaqaalaha caalamiga ah ka baxaan Itoobiya.

Bangigu waxa uu sheegay inuu raali-gelin rasmi ah iyo ballan-qaadyo adag ka helay Xukuumadda Itoobiya iyada oo baaritaano rasmi ah lagu sameyn doono wixii dhacay, si loola xisaabto ciddii ku lugta lahayd.

“Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu ku faraxsan yahay kuna kalsoonyahay ballan qaadka adag ee uu shakhsi ahaan sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaas oo horseeday in la xalliyo xiisaddii jirtay” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Bangiga.

Abiy Axmed ayaa sheegay in iskaashiga Xukuumadiisa iyo kooxda Bangiga Horumarinta Afrika uu muhiim u yahay dadaallada wax looga qabanayo cunno yarida.

“Waxaan sii wadeynaa inaan sii xoojino xiriirkeena anagoo kaashanayna walaalkey Guddoomiyaha Bangiga,” ayuu Abiy ku qoray X.

Baanka ayaa sheegay bishii December, in uu go’aansaday in uu si degdeg ah ugala baxo shaqaalihiisa caalamiga ah dalka Itoobiya ka dib markii ay jebiyeen hab-maamuuska diblomaasiyadeed kadib iyada oo ay ciidamada amaanka Itoobiya weerareen laba ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee Bangiga.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Itoobiya ka fuliya 22 mashruuc oo ay ku baxeyso lacag dhan $1.24 bilyan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here