Thursday, September 19, 2024

Kormeerayaal iyo howlwadeeno loo xiray dusinta xogta Imtixaanaadka

Muqdisho (Dawan)- in k badan 10 kormeere iyo howlwadeeno ayaa loo xiray eedeymo la xiriira dusinta xogta Imtixaanaadka Dugsiga Sare ee maraya meel gabagabo ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay 17 qof oo isugu jira Kormeerayaal iyo shaqaale ku howlanaa Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka ka socda, kuwaasi oo lagu eedeyay in ay wax isdaba marin sameeyeen, isla markaana ay si qarsoodi ah jawaabo u siiyeen ardayda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda.

Imtixaanka Dugsiga Sare ayaa ka socda gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Imtixaanka oo hakad galay maalintii Arbacada ee ku beeganeed maalinta xorriyadda gobollada Waqyooyi ee hadda lagu magacaabo Somaliland ayaa maanta dib u billowday, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo berri oo Jimco ah.

Wasaaradda Waxbarashadu wax faah faahin kama bixin xiliga iyo goobta lagu qabtay shaqsiyaadkaas.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabduqaadir ayaa horay u ballan qaaday in tillaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu helo faldambiyeed la xiriira arrimaha imtixaanaadka iyo fududeynta qishka.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa baabi’say imtixaankii shahaadiga Dugsiga Sare ee la galay sannadkii 2019-ka kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay su’aalaha imtixaanka, iyada oo dib loo galay dhammaan maadooyinkii imtixaanka.

Tillabadan ka dhanka ah wax-is-daba-marinta imtixaanaadka ayaa hoosta ka xarriiqaysa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay ilaalinta habsami-u-socodka imtixaanaadka qaranka iyo xaqiijinta in dhammaan ardayda loo qiimeeyo si hufan oo caddaaalad ah.

Arday gaareysa 37,038 oo ka kala socda 803 Dugsi, ayaa u fadhiisatay imtixaanaadka kuwaas oo ku gelaya 139 xarumood oo ku yaalla 36 Degmo, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in 2870 shaqaale ah oo isugu jira kormeerayaal iyo Macallimiin in ay ka qayb qaadanayaan ilaalinta Imtixaanka, iyada oo amniga ay sugayaan ciidan Boliis ah oo gaaraya 2176 kuwaas oo isagu jira Saraakiil iyo Askar.

Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedka Puntland ay si gooni u qabsatay imtixaanaadka Dusgiga Sare oo ay sannadkan u fadhiisteen ilaa 6,415 arday. Sidoo kale Somaliland ayaa iyaduna had iyo jeer si ka madax bannaan Soomaaliya u maamusha arrimaha waxbarashada ee deegaanadeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here