Saturday, July 27, 2024

Xukuumadda Soomaaliya oo meel marisay heshiisyo ay wada galen Itoobiya

Muqdisho (Dawan)-Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyay Heshiisyo is af-garad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib kulanii Khamiislaha ee Golaha wasiirada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii iyo dagaaladii ugu danbeeyey ee ay ciidamdu la galeen xoogaga Al-shabaab.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka, waxeyna ugu baaqeen shacabka in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Soomaaliya Iyo Itoobiya ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo kala duwan, waxaan ka dhaxeeyo iskaashi dhinacya badan oo ay ugu muhiimsan tahay iskaashiga dhanka amniga iyo la dagaalanka xoogaga Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here