Thursday, September 19, 2024

Itoobiya oo Jabuuti kala hadashay caqabadda ka haysta Shidaalka

Jabuuti (Dawan)- Wafdi ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, ayaa gaaray dalka Jabuuti, iyagoo kulamo la yeeshay Wasiirka Tamarta Jabuuti, Yoonis Cali iyo Cumar Xasan oo ah Madaxa Shirkadda Horizon Petrol Terminal.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha lasoo gudboonaaday shidaalka laga qaadi jiray Jabuuti ee la gayn jiray dalka Itoobiya iyo sidii ay Itoobiya u heli lahayd shidaal ku filan, iyada oo la eegayo codsigeeda cusub ee kordhinta dalabaadka shidaalka.

Wasiir Shide ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in xal degdeg ah loo xelo caqabadaha jira iyo baahida shidaalka Itoobiya ee ee sii kordheysa.

Dhankiisa Cumar Xasan oo ah Madaxa Shirkadda Horizon Petrol Terminal ayaa ballan qaaday sida ay go’antahay in la daboolo baahida shidaalka ee Itoobiya, isagoo intaas ku daray inay socdaan dadaallo lagu dayactirayo laguna ballaarinayo xarumaha shidaalka.

Wadahadallada labada dhinac ayaa lagu soo gabagabeeyay in la sameeyo guddi farsamo oo la socda habsami u socodka howlaha shidaalka iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here