Friday, October 18, 2024

Shirka Garsoorka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo furmay

Jigjiga (Dawan)- Waxaa magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ka fumray shirka sannadlaha ee Garsoorka, iyada oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan, khubaro dhanka garsoorka ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in isbedel xoogan laga sameeyay hay’adaha garsoorka, laamaha cadaaladda iyo maxkamadaha, lagana shaqeeyey dhisida iyo isku dheeli-tirnaanta sarreynta sharciga oo uu ku tilmaamay inuu gundhig u yahay nidaamka dowladnimo.

Shir-weynaha Garsoorka ayaa lagu qiimeeya waxqabadka maxkamadaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee sannadka, waxaana sidoo kale looga dooda arrimaha hortebinta u leh hay’adaha caddaaladda ee Deegaanka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Gudoomiyaha Maxkamada Guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Cali Baaruud ayaa dhankiisa tilmamay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii bulshadu u heli lahayd Garsoor ku dhisan caddaalad iyo hufnaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in horumar laga sameeyay dhanka dib u habeynta hay’adaha garsoorka guud ahaan dalka Itoobiya iyo gaar ahaan Deegaanka Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here