Friday, October 18, 2024

Jabuuti iyo Masar oo billaabaya iskaashi dhanka xamuulka hawada iyo badda

Jabuuti (Dawan)- Mas’uuliyiin ka socda dalka Masar oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ku xigeenka Hay’adda Duulista ee Masar, Cisaam Kashki iyo safiirka Masar u fadhiya Jabuuti, Khaalid Faadi Maxamuud ayaa la kulmay Hoggaanka Maamulka Dekadaha iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti, iyada oo laga wada hadaly sidii loo abuuri lahaa iskaashi cusub oo labada dhinac ah.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa kulankooda ku faaqiday sidii la isaga kaashan lahaa ballaarinta dhanka xamuulka ah ee hawada iyo badda iyada oo la qorshaynayo in dhawaan la billaabo duulimaadyada ay diyaaradda Masar ku tagayso dalka Jabuuti.

Shirkadda diyaaradaha ee Masar ayaa duulimaadyadeeda Jabuuti billaabi doonta todobaadka soo socda, waxayna labada dhinac isla garteen in ay ka qayb qaadato xamuulka dhanka hawada

Guddoomiyaha Dekedaha iyo Goobaha ka caagan canshuurha Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi ayaa sheegay inay uga dhigan tahay arrin guul ah in Shirkadda diyaaradaha ee Masar ay kusoo biirto xamuulka la geeyo Jabuuti, isaga oo intaas raaciyay inay ka qayb qaadan doonto kor u qaadidda fursadaha ganacsi iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Shirkadda diyaaradaha Masar ayaaa 11-ka bishaan July billaabi doonta duulumaadka rakaabka ah ee ay ku tagyso Jabuuti kaas oo noqon doona laba jeer isbuuci, waxaana la filaya inuu ka qayb qaadan doono fududeynta isku xirka qaaradda Afrika

Diyaaradda Rwanda Air ayaa dhawaan si toos ah u bilaawday dulimaadyadeeda xamuulka ah ee ay ku tagayso Jabuuti, iyada oo mas’uuliyiinta Jabuuti ay ku tilmaameen tillaabo loo qaaday horumarinta iskaashiga labada dhinac, isku xirka ganacsiga gobolka iyo fududeynta shixnadaha kala duwan ee dhanka hawada ah kaas oo ka dhaqsa badan gadiidka badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here