Saturday, November 23, 2024

Xasan: Wadajirka iyo kala taggu waa howl u gaar ah dadka Soomaaliyeed

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo qayb ka mid ah khudbaddiisa uga hadlay is-afrgadkii badda ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixdeen billowgii sanadkaan.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay kusoo laabtaan hannaakii wada hadalaldii u socday labada dhinac iyo arrimihii lagu heshiiyay ka hor is-afgaradka ay la gaaren Itoobiya.

“Waxaan baaqayga markale u dirayaa Walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada,  xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan una noqdaan jidikii aan isla jeexnay ee laba maalmood  hor saxiixa is-afgaradka ah,  sharci darrada ah intaan la saxiixin” ayuu yiri; Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka wada hadalladu uu yahay dariiqa kaliya ee u furan labada dhinac ayna ku jirto badbaadada dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo iska leh go’aanka midnimada iyo kala tagga, wuxuuna yiri; ” “Haddii aan  wadajireyno iyo haddii aan  kala tagayno, waa howl u gaar ah oo khuseysa oo kaliya dadka Soomaaliyeed. Nagama jirto meela kale iyo Ajnabi midna”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here