Thursday, May 29, 2025

AFRICOM oo ku duqeysay Al-Shabaab meel u dhow Kismaayo

Abukar Osman

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 24-kii May 2025 fuliyay weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida uu ku sheegay taliska qoraal uu soo saaray 27 May 2025, weerarkan ayaa ka dhacay meel 40 mayl waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo u jirta, AFRICOM ma aysan faahfaahin qasaaraha weerarka uu u geystay Al-Shabaab.

“Weerarka cirka ayaa ka dhacay meel ku dhow 40 mayl waqooyi-galbeed magaalada Kismaayo, Soomaaliya.” Ayuu yiri Taliska AFRICOM

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

Deegaanada hoos yimaada Jubaland ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here