Monday, September 16, 2024

Afwerki oo ka qaybgelaya madasha iskaashiga Shiinaha iyo Africa

Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa u ambabaxay dalka Shiinaha si uu uga qaybgalo madasha iskaashiga Shiinaha iyo Africa oo lagu wado inay Beijing
ka billaabato 4 bishan September.

“Casuumaad uu ka helay Madaxweyne Xi Jinping, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa gelinkii dambe ee maanta u ambabaxay dalka Shiinaha si uu uga qaybgalo shir madaxeedka 9-aad ee FOCAC” sidaas waxaa bartiisa X kusoo qoray wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Isaias uu la kulmi doono Madaxweyne Xi Jinping iyo Madaxda kale ee ka socda dowladaha qaaradda Afrika ee ka qeyb galaya shirka, si uu ugala hadlo danaha laba geesoodka ah

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Cismaan Saalax.

Madasha 9-aad ee iskaashiga Shiinaha iyo Africa ayaa diiradda lagu saari doona arrimaha ay ugu muhiimsanyihiin isbedelka cimilada, isku xirnaanshaha caalmaiga ah iyo xoojinta iskaashiga qaaradda Afria iyo Shiinaha

🇪🇷

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here