Wednesday, July 30, 2025

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xisaab-xirka Sanad Maaliyadeedka 2024

Garoowe(Dawan) – Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay xisaab-xirka sanad maaliyadeedka 2024, ka dib markii guddiga maaliyadda, dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiilada ay soo gudbiyeen warbixin dhameystiran oo ku saabsan miisaaniyadda iyo dhaqaalaha Puntland.

Miisaaniyadda sanadkan ee 2024 ayaa gaartay $156,778,675, iyadoo miisaaniyadda guud ee Puntland ee la qorsheeyay ay ahayd $395,359,029. Guddiga maaliyadda ayaa cadeeyay in farqiga u dhexeeya miisaaniyadda rasmiga ah iyo tii la qorsheeyay uu ka dhashay mashaariic aan si toos ah lacagtooda loogu shubin khasnadda Puntland, kuwaas oo ay fuliyeen hay’ado caalami ah iyo Qaramada Midoobay.

Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in 8 hay’adood oo caalami ah ay fuliyeen mashaariic lacageed oo gaaraya 123 milyan oo doolar oo ku saabsan horumarinta Puntland.

38 mudane ayaa ogolaaday xisaab-xirka 2024, diidmo ma jirto, aamusnaantu waa labo mudane. Sidaas darteed, xisaab-xirka 2024 ee Puntland waa ansax “ ayuu yiri gudoomiyaha golaha wakiilada  puntland

Xisaab-xirka sanadkaan oo akhrinta koowaad la marsiiyay 24-kii Luulyo 2025 ayaa maanta si rasmi ah loo ansixiyay, iyadoo golaha wakiilada oo ka kooban 40 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xisaab-xirka, iyada oo 38 xildhibaan ay u codeeyeen, 2-na ay ka aamuseen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here