Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amray in calanka Soomaaliya laga taago dhammaan iskuulada ku yaalla gobolka benaadir, si kor loogu qaado waddaniyadda ubadka Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa waxaa uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kaas oo faray iskuulada in ay calanka qaranka suraan dhamaan xarumahooda waxbarasho.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, oo maanta shaaciyay amarkan, ayaa sheegay in uu amarkaan kasoo baxay Duqa Muqdisho, isla markaana uu yimid kadib wadatashi ay la yeesheen bahda waxbarashada toddobaadyadii la soo dhaafay.
Agaasinka ayaa tilmaamay in ujeedka go’aankan uu yahay in lagu dhiirrigeliyo kor u qaadista waddaniyadda iyo ku barbaariyaynta ardayda akhlaaq iyo asluub wanaagsan.
Si loo xaqiijiyo hirgelinta amarkan, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu sameyn doono kormeer joogto ah, si loo hubiyo in calanka qaranka laga taagay dugsi kasta, isla markaana la qiimeeyo tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay bixiyaan iskuulada.
Qoraal kasoo baxay Agaasinka ayaa lagu yiri: “Si loo xaqiijiyo hirgelinta amarkan, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu sameyn doonaa kormeer joogto ah oo lagu hubinayo in calanka Soomaaliyeed laga taago dugsi kasta, iyo guud ahaan tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay dugsiyadu bixiyaan.”
War ka soo baxay maamulka gobolka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Agaasinka Waxbarashadu uu sidoo kale hubin doono guud ahaan tayada adeegyada waxbarasho ee ay dugsiyadu bixiyaan.