Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii ka soo cararay furimaha dagaalka ay dib u soo laabteen Muqdisho iyagoo iibinaya qoryihii ay ku dagaallamayeen.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, Taliye Shub ayaa xusay in askartaas aan si xor ah loogu oggolaan inay kusoo laabtaan caasimadda, isla markaana ay la kulmeen tallaabooyin adag. Qaar ayaa xabsiga la dhigay, qaar kalena dib ayaa loogu celiyey furimihii ay ka soo carareen, halka kuwo kale weli la raadinayo.
“Dadkii fulayga ahaa ee goobta dagaalka ka soo cararay — rag isma laha, dagaalka ayaa lagu kala baxaa. Annagu Muqdisho kuma sii deynin, guryahoodiina waa ka soo qabanay. Waran baan u jaray, xabsiga ayaan ku shubnay. Nin daynaya ma jiro,” ayuu yiri Taliye Shub.
Taliyaha ayaa tilmaamay in xukunka ciqaabta askari ka carara dagaalka uu ku saleysan yahay xeerka ciidamada oo dhigaya ciqaab adag, ilaa xad uu xeerku oggol yahay in la dilo askari dagaal ka baxsada, inkasta oo uu caddeeyey in aan tallaabadaas si sahlan loo qaadi karin hadda.
“Sharciga ciidanku wuxuu dhigayaa in askari ka tagay dagaal lagu xukumo dil. Laakiin maadaama dilka aan si sahal ah loo fuli karin, waxaa hadda lagu dhaqayaa tallaabooyin kale: xarig, ciqaab iyo in xuquuqdooda laga joojiyo,” ayuu yiri mar kale.
Taliye Shub ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto abaabul ballaaran oo dib loogu celinayo ciidanka kuwaas oo uu sheegay in qaar kood ay wadad kusii jiraan isagoo carrabka ku adkeeyay in guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ay sabab u tahay kalsoonida iyo adkeysiga ciidamada ku sugan furimaha.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad amni oo culus, iyadoo dagaallo xooggan ay ka socdaan qeybo badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgalada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyadoo ciidamada qalabka sida si buuxda loogu daabulay furimaha dagaalka.