Saturday, July 27, 2024

in ka badan 5 kun oo dhimasho iyo kumanaan lagu la la’yahay daadadka Liibiya

Tripoli (Dawan)- in ka badan shan kun oo qof ayaa ku dhintay duuftaantii daadka dhalisay ee ku dhuftay Bariga dalka Liibiya, iyada oo ay khasaaraha ugu badan uu ka dhacay magaalada Derna.

Wakaaladda Wararka Liibiya ayaa sheegtay in dhimashadu ay gaareyso 5,300 oo qof, halka dadka la la’yahayna lagu qiyaasay kumanaan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 10,000 oo qof la la’yahay ka dib daadadkii xoogana ee ku dhuftay dalkaas.

Muuqaallada iyo sawirada ay baahiyeen Warbaahinta Caalamiga ah iyo Warbaahinta Gudaha ayaa muujiyay burburka soo gaaray guryaha iyo dhismayaal badan oo ku yaalla magaala xeebeedka Derna , iyada oo daadadku baabi’iyeen  xaafado badan oo ku yaal  magaalada.

Hay’adda Waddooyinka iyo Buundooyinka Liibiya ayaa sheegtay in ay burburtay shan buundo oo isku xirta magaalada Derna.

Qaramada Midoobay ayaa dadaal ku bixineysa sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii ku waxyeelloobay daadada Liibiya.

“Qaramada Midoobay waxay  kaashaneysaa  saaxibada  caalamiga ah iyo hay’adaha maxalliga ah, si gargaar  bini aadantinimo loo gaarsiiyo dadka ku sugan goobaha ay dhibaatadu ka jirto” ayuu yiri Stephane Dujarric, af-hayeenka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Tunisia oo deris la ah Liibiya ayaa  ku dhawaaqday inay diyaarisay kooxaha gurmadka iyo samatabiixnta kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dadaallada wax looga qabanayo dhibaatada ka dhalatay daadadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga tacsiyeysay dowladda iyo shacabka Liibiya  dadkii ku geeriyooday  daadadkii ka dhasahy duufaanta ku dhufatay dalkaas.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxey si buuxda u garab  taagantahay dowladda aan walaalaha nahay ee Liibiya, kadib duufaantii ku dhufatay dalkaas ee sababatay dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyadeed oo badan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimah Dibadda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here