Thursday, July 3, 2025
Array

AUSSOM oo qaar kamida rakaabkii helikobtarka dhacay soo badbaadisay.

Muqdisho (Dawan) Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), saddex ka mid ah rakaabkii 8-da qof ee saarnaa helikobtar ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay, waxaana isla markiiba loo qaaday Isbitaalka AUSSOM ee Heerka II ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.

Sida ay ku sheegaty AUSSOM bayaanka Helikobtarka ayaa waxaa  watay Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF), ayaa ka soo baxay saldhigga milatariga ee Balidoogle, waxaana shilka ka dhacay subaxnimadii Arbacada.

Bayaanka AUSSOM wuxuu sheegay in saddexda rakaab ah ee si degdeg ah loo badbaadiyay ay helaan daryeel caafimaad, iyadoo hawlgalka badbaadinta uu socdo si loo soo saaro rakaabka iyo shaqaalaha kale ee ku jiray helikobtarka.

“Saddex ka mid ah rakaabkii 8-da qof ee saarnaa helikobtar-ka ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay, waxaana loo qaaday Isbitaalka AUSSOM ee Muqdisho si ay u helaan daryeel caafimaad.” Ayaa lagu yiri Bayaanka AUSSOM.

AUSSOM waxa ay xaqiijisay in Sidoo kale, masuuliyiinta duulista hawada ay bilaabeen baaritaanno si loo ogaado sababaha keentaay shilka.

AUSSOM waxay ku mahadcelisay shaqaalaha gurmadka iyo adeegga caafimaadka ee si dhaqso ah uga jawaabay xaaladda degdegga ah, iyadoo la sugayo in baaritaanku soo bandhigo warbixin dheeraad ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here