Brussels, Belgium – Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u beddelay ATMIS bishii Janaayo 2025, ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin iyadoo khilaafaad ka taagan yihiin qaabka maalgelintiisa iyo daal muuqda oo ka soo ifbaxaya deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Machadka Daraasaadka Amniga ee Midowga Yurub (EUISS) ayaa ka digay in khilaafaadka ka jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) iyo cadaadiska saaran Midowga Yurub ay halis gelin karaan sii wadashada howlgalka AUSSOM. Tan iyo 2007, Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya ku taageeray qiyaastii €4.3 bilyan, isagoo door muuqda ka qaatay howlgalada nabad ilaalinta.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa si adag uga hor yimid hirgelinta buuxda ee Qaraarka UNSC 2719, kaasoo ogolaanaya in ilaa 75% maalgelinta AUSSOM laga bixiyo miisaaniyadda Qaramada Midoobay. Taasi waxay abuurtay xiisad dheeraad ah oo horseedaysa khatar ku timaadda isku dubaridka taageerada caalamiga ah.
Midowga Yurub wuxuu xusay in weli uu ka go’an yahay taageerada Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay howlgalada rayidka ah ee EUTM Somalia, EUCAP Somalia, iyo EUNAVFOR Atalanta. Si kastaba, khilaafka ku saabsan maalgelinta ayaa hoos u dhigaya is-waafajinta caalamiga ah.
Baqdin ka timid taageero laba geesood ah
Mareykanka ayaa sii wada taageeradiisa laba geesoodka ah (bilateral), taas oo laga cabsi qabo inay meesha ka saarto dadaalka mideysan ee multilateral-ka, sida ay warbixinta EUISS ku xustay:
“Khilaafaadka maalgelinta waxay khatar ku yihiin dib u dhac weyn ama xitaa burbur ku yimaada howlgalka, xilli Soomaaliya ay u baahan tahay amni iyo xasillooni joogto ah.”
Caqabado hore oo siyaasadeed
Hirgelinta AUSSOM ayaa dib u dhacday kadib muran ka dhashay ciidamada Itoobiyaanka ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka hor timid kadib markii Itoobiya ay heshiis iskaashi la gashay Somaliland. Inkastoo Turkigu fududeeyay heshiis lagu xallinayo khilaafkaas, haddana farqiga weyn ee dhinaca maalgelinta – oo lagu qiyaasay tobannaan milyan oo Yuuro – weli wuu taagan yahay.
Midowga Yurub wuxuu hadda ugu baaqayaa waddamada Khaliijka iyo Turkiga inay qeyb ka noqdaan hindise wadajir ah si loo taageero AUSSOM, halkii laga raaci lahaa hannaan gooni-gooni ah. Waxaa sidoo kale la filayaa in shirka deeq-bixiyeyaasha ee bisha Abriil 2025 oo Qatar martigelin doonto, uu noqdo fursad muhiim ah oo lagu helo maalgelin joogto ah.
AUSSOM, oo ay ciidamada ka keeneen Masar, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Uganda, ayaa la filayaa in si buuxda loo mideeyo isku dubaridkooda milatari 30-ka Juun 2025. Guusha howlgalka waxay si weyn ugu xirnaan doontaa helitaanka maalgelin joogto ah oo la isku raacsan yahay.