Dhobley (Dawan) – Sideed iyo toban askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), kana howlgalaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa bilaabay tababar laba toddobaad ah oo ku saabsan isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo loogu talagalay ciidamada nabad ilaalinta ee Dhobley, Jubbada Hoose, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka.
AUSSOM ayaa qoraal ay ku baahisay barta rasmiga ah ee X Talaadadii ku sheegtay in koorsadan, oo taageero ka helaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), diiradda lagu saarayo xoojinta awoodaha sirdoonka, kormeerka iyo raadraaca (ISR).
Howlgalka ayaa intaas ku daray in tababarku uu ujeedkiisu yahay in la horumariyo ilaalinta kolonyada iyo roondada, la xoojiyo go’aan qaadashada xeeladeed, isla markaana kor loo qaado guud ahaan waxqabadka hawlgalada.
AUSSOM ayaa sheegtay in Taliyaha Saldhigga Dhobley, Morris Wasomi, oo sheegay in diyaaradaha drones-ka ay noqdeen qalab aad muhiim ugu ah hawlgalada amniga.