MUQDISHO – Baarlamaanka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay xerada ciidamada ee Damaanyo, ee magaalada, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Baarlamaanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, isla markaana adkeeyay taageerada buuxda ee uu u hayo Soomaaliya dadaallada ay ku la dagaallamayso argagixisada iyo kooxaha xagjirka ah.
Dowladda Qatar ayaa iyaduna dhankeeda si rasmi ah uga hadashay weerarkan, iyada oo wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ku sheegtay war saxaafadeed inay si xooggan uga soo horjeedo falalka rabshadaha ee ka dhaca Soomaaliya, iyada oo cambaareysay qaraxii ka dhacay xerada Damaanayo.
Weerarka oo dhacay subaxnimadii Axadda ee maanta ayaa lagu bartilmaameedsaday dhallinyaro saf dheer kaga jirtay bannaanka xerada damaanyo, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, sida ay xaqiijiyeen markhaatiyaal warbaahinta Reuters u warramey.
Mas’uuliyiinta caafimaad ee Isbitaal Madina waxa y dhankooda Dawan Media u xaqiijiyeen in 12 qof la keenay isbitaalka, kuwaas oo 11 ka mid ahi dhaawac ahaayeen hal qofna uu ku dhintay.
Qof ismiidaamiye ah ayaa qarxiyay walxaha qarxa isagoo bartilmaameedsaday dhallinyarada safka kaga jirtay albaabka xerada damaanyo.
Dowladdu waxay sheegtay inay ka hortagtay in weerarku keeno khasaaro ka sii weyn kan uu geystay hadda , waxayna ballan qaaday inay warbixin dheeraad ah ka soo saari doonto qasaaraha. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan