Monday, May 5, 2025
Array

Baarlamaanka oo Akhrinta Labaad Marsiiyay Hindise Sharciyeed cusub

Muqdisho, Soomaaliya 5-ta May 2025 –Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa, akhrinta labaad ku marsiiyay Hindise Sharciyeedka ku saabsan dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Sharcigan waxaa golaha u akhriyay Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afeey), oo ah ku-simaha guddoomiyaha isla markaana ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Goboleedyada iyo Amniga.

Xildhibaannada ayaa inta dooddu socotay soo jeediyay in isbeddello lagu sameeyo qodobo dhowr ah oo ku jira hindisaha, iyaga oo muujiyay baahida dib-u-eegis ku saleysan duruufaha hadda jira. Talooyinkaasi waxaa si gaar ah u xoojiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo faray guddiga Arrimaha Gudaha in talooyinkaasi lagu daro hindisaha kahor inta aan la marsiin akhrinta saddexaad.

Hindise Sharciyeedkan ayaa muhiim u ah hab-raaca iyo qorsheynta xog ururinta dadweynaha iyo xaaladaha madaniga, taas oo aas-aas u noqon karta dhisidda siyaasado dowladeed oo wax ku ool ah.

Waxaa la filayaa in sharcigan dib loogu soo celiyo Golaha Shacabka si loogu ansixiyo akhrinta saddexaad, kadib marka lagu daro aragtida iyo talooyinka xildhibaannada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here