Saturday, July 27, 2024

Baarlamaanka oo u codeynaya maanta wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya ( Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Sabti ah u codeeyo wax ka bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horeeya Dastuurka.

Afartaan cutub ayaa kala ah; Baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka, Dhulka, Hantida iyo Deegaanka iyo Mataaladda Shacabka.

Maalintii Khamiista ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka loo qeybiyay nuqulka kamadambeysta ah oo lagu soodhafay soojeedimahii wax ka bedelka dastuurka cutubyada 1-ilaa 4aad., iyada oo lagu soo daray soojeedimahii doodahii Baaralmaanka, latashiyada iyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed lagu waydiiyay mareegta online ah.

Guddiga Madaxbanaan ee Dib -u- Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa ku sameeyay taxllilin, turxaan- bixin iyo lafagur una bedelay luuqad Dastuuri ah soo jeedimihii doodahii Baarlamaanka, latashiyada lyo aragtiyihii dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiibteen online kuna daray nuqulka kamadambaysta ee cutubyada 1-aadilaa 4-aad ee Dastuurka.

Laga soo billaabo furitaankii kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka (25-kii November 2023), waxa ay labada Aqal yeesheen 17 kulan oo looga dooday wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-aad ilaa 4-aad, waxaana argatidooda ka dhiibtay ilaa 303 xildhibaan, sida uu sheegay Guddiga madax bannaan ee Dastuurka.

Doodda ugu adag waxa ay ka taagantahay cutubka afaraad oo lagu sameeyay isbedel xoogan iyada oo lagu soo kordhiyay madaxyo badan, qodobo cusub iyo farqooyin dheeraad ah, waxaana si cad uga horyimid qaar ka mid ah xildhibaanada oo ay hoggaaminayaan madaxweynaalkii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyada oo ay sidoo kale ka biya diiday Puntland.

Qodobada aad la isaga horyimid ee isbedelka lagu sameeyay, waxaa ka mid ah iyada oo laga guurayo hannaanka Baarlamaanka loona guurayo hannaan madaxtooyo, waxaana si toos ah madaxweynaha usoo dooranaya shacabka.

Waxaa khilaaf xoogan ka jira sidoo kale tirada Xisbiyada, wuxuuna qoraya nuqulka ugu dambeeya ee wax ka bedelka Dastuurka in dalku yeelanyo saddex Xisbi oo kaliya.

Arrimaha kale ee ay mucaaradku ka biya diideen ayaa ah qaabka loo maamulayo doorashooyinka, waxeyna ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu sameynayo guddi doorasho oo haldhinac ah kaas oo maamuli doona doorashooyinka maamul goboleedyada iyo doorashada guud ee dalka.

Isbedelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaa sidoo kale qeexaya in madaxweynuhu magacaabi karo sidoo kalena xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha iyada oo aan loo baahan Baarlamaanka.

Muddada xilheynta hay’adaha la doorto ayaa laga dhigay shan sano, sida lagu xusay nuqulka kamadambeysta ah ee Dastuurka.

Qoraalka ay soo saareen Shariif iyo Farmaajo ayay ku eedeeyen in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaystay tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here