Wednesday, March 12, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Dib u Furmaya Sabdiga

Muqdisho, Soomaaliya – Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo furayaa Sabtida, 22-ka Febraayo 2025, kadib dib-u-dhac ka badan 15 maalmood.

Hoggaanka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhawaaqay in kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad uu si rasmi ah u bilaaban doono Sabtida, 22-ka Febraayo 2025.

War-saxaafadeed lasoo saaray xalay ayay hoggaanka Baarlamaanka ku sheegeen in ay yeesheen shirar wadatashi ah oo la xiriira dib u furitaanka fadhiga, isla markaana la isku raacay in la bilaabo howlihii Baarlamaanka.

“Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu bilaabi doonaa kalfadhigiisa 6-aad Sabtida, 22-ka Febraayo 2025. Dhamaan Xildhibaannada iyo Senatorada waxaa lagu wargelinayaa in ay u soo xaadiraan waajibaadkooda.” ayaa lagu yiri Bayaanka rasmiga ah ee labada aqal

Maxaa Keenay Dib-u-Dhaca?

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib markii uu Baarlamaanku si rasmi ah dib u furmi lahaa 6-dii Febraayo, taasoo la micno ah in kalfadhigu dib u dhacay 16 maalmood.

Hoggaanka Baarlamaanka ma sheegin sababta rasmiga ah ee dib-u-dhaca, balse Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu Sabtida si rasmi ah u furo kalfadhiga.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa horey ugu baaqay in fadhiyada dib loo bilaabo, iyagoo xitaa hanjabay inay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii dib-u-dhaca uu sii socdo.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa shir ay qabteen xisbiga Himilo Qaran 15-kii Febraayo ka sheegay inuu si adag u dhaliilayo dib-u-dhaca, wuxuuna ugu baaqay Guddoomiyaha in uu si degdeg ah u furo Baarlamaanka. Wuxuu xusay in dib-u-dhaca uu la xiriiro mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga diyaariyey xukuumadda.

“Haddii Baarlamaanku aan la furin, Xildhibaannadu fadhiyo kale ayay yeelan doonaan. Haddii dib-u-dhacu la xiriirayo mooshin laga cabsanayo, waxaan caddeynayaa in mooshinka uu diyaar yahay, la saxiixay, islamarkaana la horgeyn doono Baarlamaanka. Qofbaa xilka laga qaadi doonaa, balse Baarlamaanku ma noqon karo mid la afduubo,” ayuu yiri Xidig.

Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu galay fasax labo bilood ah 5-tii Diseembar 2024, kadib markii uu ansixiyay xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka.

Ansixinta guddigan ayaa keentay mucaarad xooggan oo uga yimid xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo diiday hab-raacii lagu xushay xubnaha guddiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here