Saturday, July 27, 2024

Bahrain oo martigelieneysa meertada 33-aad ee madaxda Carabta

Manama (Dawan)- Caasimadda Manama ee dalka Bahrain, waxaa maanta ka furmaya meertada 33-aad ee shir-madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Soomaaliya uga qayb galaya wafdi balllaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladihii ugu dambeyay ee Soomaaliya, iyada oo la eegayo guulihii laga gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha labadii sano ee lasoo dhaafay iyo caqabadaha ku horgudban dowladda Soomaaliya.


Sida ay Dawan ogaatay, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona xasaraddii ka dhalaty heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland billaawgii sannadkaan.

Sidoo kale, Xamsa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dowladaha kale, isaga oo kala hadlaya dhinacyada la iska kaashan karo.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo, waxaa ka mid ah;
1- Qaddiyadda Falastiin iyo sidii lagu joojin lahaa dagaalka Gaza
2- Soo afjaridda dagaalada ka socda qaar ka mid ah dalalka Carabta sida Suudaan iyo Suuriya
3- Taageeridda dowladaha Soomaaliya, Lubnaan iyo Yemen
4- Xal u helidda xasaradda ka taagan xudduudka Jabuuti iyo Eritrea
5- Ka hortagga isbeddelka cimilada iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah



Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here