By Abukar Osman
Muqdisho(Dawan) — Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay manata furitaanka nidaamka shati-siinta shirkadaha bixiya adeegyada Takafulka (caymiska Islaamiga ah), iyada oo loo qabtay muddo lix bilood ah si ay iskugu diiwaangeliyaan nidaamka cusub.
Tallaabadan ayaa timid kadib ansixintii Sharciga Qaranka ee Takafulka bishii Maajo 2025, kaas oo saldhig u ah maamulka iyo kormeerka rasmiga ah ee shirkadaha Takafulka ee dalka. “Ilaa hadda, shirkadaha Takafulka waxay ku shaqeynayeen nidaam diiwaangelin aasaasi ah, iyadoo la’aanta xeerar adag oo lagu hago ama lagu kormeero,” ayaa lagu yiri bayaanka Bangiga Dhexe.
Adeegyada Takafulka waxay Soomaaliya ka bilaabmeen horraantii 2000-meeyadii, xilli hay’adaha dowladeed ay burbureen kadib dagaaladii sokeeye. Waxaa jiray baahi isa soo taraysay oo loo qabo adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan shareecada Islaamka, taasoo keentay in ganacsato maxalli ah bilaabaan caymis bulsho oo ku dhisan mabaadi’da Takafulka.
Intii u dhaxaysay 2010-meeyadii iyo horraanta 2020-meeyada, shirkado badan oo Takaful ah ayaa bilaabay inay ballaariyaan adeegyada ay bixiyaan. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan jirin nidaam sharciyeed mideysan, shirkadahan waxay ku shaqeynayeen qaabab kala duwan, mana jirin halbeegyo rasmi ah oo lagu cabbiro hufnaantooda, maalgelintooda, ama u hoggaansanaanta sharciga.
Bangiga Dhexe ayaa hadda soo saaray saddex xeer oo saldhig u noqonaya nidaamka cusub ee Takafulka: Xeerka Shatiga, Xeerka Warbixinta Maaliyadeed, iyo Xeerka Maalgelinta iyo Awoodda Dhaqaale ee Shirkadaha. “Xeerarkani waa tallaabo weyn oo horey loo qaaday si loo xoojiyo ilaalinta macaamiisha, xasilloonida suuqyada, iyo kalsoonida dadweynaha ee adeegyada Takafulka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Bangiga.
Si ay shirkaduhu ula jaanqaadaan nidaamka cusub, Bangiga Dhexe ayaa 2-dii Luulyo 2025 qabtay aqoon-is-weydaarsi ay kasoo qaybgaleen dhammaan shirkadaha Takafulka ee horey u diiwaangashanaa, kaasoo lagu soo bandhigay xeerarka cusub iyo habka loo hirgelinayo.
Sida uu banguga sheegay laga bilaabo 6-da Juun 2025, dhammaan shirkadaha Takafulka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay codsadaan shatiga cusub muddo lix bilood gudahood ah. 6-da Diseembar 2025 ayaa loo asteeyay in ay noqoto waqtiga kama dambeysta ah. “Bangiga Dhexe wuxuu dhiirrigelinayaa dhammaan shirkadaha inay si degdeg ah u bilaabaan nidaamka shatiga si si fudud loogu gudbo nidaamka cusub ee rasmi ah,” ayaa lagu yiri. Bangigu waxa uu sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo shirkadaha muddada kala guurka, iyada oo la siinayo taageero sharciyeed iyo farsamo si loo xaqiijiyo horumarka iyo hufnaanta suuqan cusub ee Takafulka.