Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa bangiyaga dalka ku armay in aysan wax xisaab ah u furin qof aan wadanin kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhammaan bangiyada ganacsiga ee dalka laga doonayo inay hirgeliyaan shuruudaan oo lagu xoojinayo aqoonsiga macaamiisha, laga bilaabo 1-da Sebtembar 2025.
Bayaankaan ayaa yimid kadib heshiis wada shaqeyn ah oo u dhaxeeya Bangiga Dhexe, Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah, ma jiri doonto xisaab cusub oo bangi oo la furi karo haddii aan la keenin kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso NIRA.
Sidoo kale, xisaabaadka hore looma cusbooneysiin karo ilaa la caddeeyo in macaamilku leeyahay kaar aqoonsi oo sax ah oo laga helay NIRA. Bangiga dhexe ayaa sheegay in xarumo cusub oo NIRA ah laga furi doono xarumaha ay ku shaqeeyaan Bangiyada laanti ay iyaga doorbidaan.iyaga oo ku sheegay wado ay dadka ugu fududeynayaan helitaanka adeegyada aqoonsiga.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid muhiim u ah ilaalinta hufnaanta maaliyadeed, kahortagga khiyaanada aqoonsiga, iyo in la helo adeegyo bangiyeed oo ammaan ah oo la isku halleyn karo, Balse NIRA waxa ay hadda ka howl gashaa oo kaliya bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.