Monday, June 9, 2025
Array

Barashada Xirfadaha farsamada gacanta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Ku dhawaad kun arday oo baratay xirfadaha farsamada gacanta, waxsoosaarka beeraha, iyo xanaanada xoolaha oo maanta ka qalin jabiyay kuliyada xirfadaha kala duwan ee Dhagaxbuur.

Xaflad ka dhacay magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka qalin jabiyay 937 arday oo baratay culuumta xirfadaha kala duwan ee ay bixiso kuliyada xirfadaha kala duwan ee Dhagaxbuur ee barashada xanaanada xoolaha, waxsoosaarka beeraha, biyaha, computerka, maaraynta khayraadka dabiiciga, harqaanka, qurxinta dumarka, qaybaha makaanikada iyo korontada.

Xafladan qalinjabinta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka dowlad deegaanka Xuseen Gaydh iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka Dowlad deegaanka Cabdiqaadir Maxamed Shugri iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka Jarar iyo maamulka magaalada Dhagaxbuur.

Mas’uuliyiinyta ka soo qeyb galay ayaa ardayada kula dardaarmay in cilmiga ay barteen uga faa’iideeyaan bulshada uguna adeegaan shacabkooda.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa guluf xoogan ugu jira sidii sare ugu qaadi lahaayeen xirfadaha dhalinyarada iyada oo ujeedka guud uu yahay sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here