Ugu yaraan 800 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 2,500 kalena way ku dhaawacmeen kadib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay bariga Afghanistan, iyadoo intaasna uu kasii badsan karto maada uu socdo gurmadkaa weli sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu.
Dhulgariirka oo cabbirkiisu yahay 6.0 ayaa dhacay fiidnimadii Axaddii. Hay’adda Maraykanka ee Cilmiga Dhulka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariirku dhacay 11:47 fiidnimo waqtiga maxalliga ah (1917 GMT), uuna ka dhacay 27 kiiloomitir bariga iyo woqooyi-bari magaalada Jalalabad, qotodiisuna ahayd 8 kiiloomitir.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Anadolu, dhimasho iyo dhaawacyo ayaa laga soo sheegay degmooyin badan oo gobolka Kunar ah, oo ay ku jiraan Nur Gal, Sawki, Watpur, Manogi iyo Chapa Dara. Dhagax-dhacyo ayaa xiray waddooyin muhiim ah, taas oo adkaysay gurmadka.
Mas’uuliyiintu waxay adeegsadeen diyaarado qumaatiga u kaca si loo daadgureeyo dhaawacyada. Ilaa 35 duulimaad ayaa hore loogu qaaday in ka badan 300 bukaan isbitaalka gobolka Nangarhar.
Afhayeenka maamulka ku-meel gaarka ah, Zabihullah Mujahid, ayaa ku dhawaaqay in 100 milyan oo lacagta Afgaanistaan ah – oo gaaraysa ku dhowaad 1.4 milyan doolar – loo qoondeeyay gurmadka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in guddi loo magacaabay uu hoggaaminayo Wasiirka Dib-u-hagaajinta iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mullah Maxamed Yunus Akhundzada, si uu isku dubbarido howsha.
Sidoo kale, Anadolu ayaa sheegtay in laba dhulgariir oo kale, midkiiba cabbirkiisu yahay 5.2, ay ku dhufteen isla aagga kadib dhulgariirkii weynaa. Dadka deegaanka ayaa Anadolu u sheegay in uu ahaa mid ka mid ah dhulgariirradii ugu xoogga badnaa ee ay arkaan.