Monday, May 20, 2024

Nuxurka war-saxaafadeedka Kheyre, Sharmaarke iyo CC Shakuur

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaaarke oo uu wehliyo Xildhibaan, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si adag uga hor-yimid ansixintii Baarlamaanka ee wax ka bedelka Dastuurka.

Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen saddexdaan siyaasi.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in qalalaase kasta oo ka dhaca Soomaaliya ay mas’uuliyadiisa qaadi doonaaan Madaxxweynaha iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, iyaga oo cadddeeyay in aysan u haggaansami doonin wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka, taas bedelkeedana ay aqoonsanyihiin kaliya Dastuurkii kumeel gaarka.

Qofobada ay doonayaan in muhiimmad la siiyo.

War-saxaafadeedka siyaasiyiintan waxa lagu sheegay in Dastuurka dalku uu ka kooban yahay 15 cutub oo u qaybsan 143 qodob, iyaga oo tilmaamay in ay lagama maaraan tahay in muhiimadda la siiyo dhameystirka arrimaha kala ah;

  • Maqaamka Caasimadda.
  • Caddaynta awoodaha dowladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.
  • Qaybinta khayraadka iyo dakhliga dalka
  • Xadaynta awoodaha garsoorka, maaliyadda iyo amniga labada heer
    federaal iyo Gobol.
  • Dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah.

    Dhismaha guddiyo madax-bannaan

    Saddexda siyaasi waxa ay soo xigteen in Dastuurku farayo in la dhiso guddiyo madax-bannan oo xoojiya awoodaha shacabka, tayeyana hufnaanta iyo madax bannaanida hay’adaha dowladda sida;
  • a) Golaha Adeegga Garsoorka,
  • b) Guddiga Xuquuqda Aadamiga,
  • c) Guddiga La dagaallanka Musqmaasuqa,
  • d) Guddiga Adeegga Baarlamaanka,
  • e) Guddiga Xudduudaha yo Federaalka,
  • f) Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha,
  • g) Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka,
  • h) Guddiga Ammaanka Qaranka,
  • i) Guddigga Runta yo Dib-u-heshiisiinta,
  • j) Gardoonka/ Ilaaliyaha Dadweynaha.

    Ka digidda Xukun hal gacan ku uruursan

    Labada Ra’iisul Wasaare iyo Xildhibaanku waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu doorbiday sameynta dastuur cusub oo leh sida ay sheegeen tilmaamihii tagtadii gaboodfalka ahayd ee ay awoodda xukunka hal gacan ku urursanayd, tartanka siyaasaddana uu garsoore ka yahay qofka talada haya, garoonka ciyaartana isagu leeyahay.

    Baaqa Shacabka

    War-saxaafadeedka ayay ku soo gabagabeeyeen farriin xasuusin ah ay udireen shacabka Soomaaliyeed taas oo ah in ay ka hortagaan in aan dib loogu laaban tagtadii xanuunka badneyd, inkasta oo aysan caddeynin waxa ay ula jeedaan tagtadii xanuunka badneyd iyo qaabka ay rabaan in looga hortago

Diidmada saddexdaan siyaasi ayaa ku soo aadeysa xilli maanta uu Baarlamaanka Soomaaliya u codeeyay ansixinta wax ka bedelka cutubka 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here