Saturday, April 19, 2025

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig 15km u jira Baydhabo.

Baydhabo, Soomaaliya – Dagaallamayaash Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Koonfur galbeed ay ku lahaayeen deegaanka Burjeed oo qiyaastii 15KM jirta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah Koofur Galbeed sida ay xaqiijisay dowladad Soomaaliya.

Taliska qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in weerarka uu dhacay saacaddu markay ahayd 5:00 subaxnimo, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ciidan oo muddooyinkii dambe uu ka socday howlgal ka dhanka ah kooxda.

Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Xasan Cali Sanweyne, ayaa sheegay in 35 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen weeraraka, iyadoo in ka badan 60 xubnood oo kale ay dhaawacmeen iyagoo sheegay inay weli raadinaya xubnaha kale ee ka baxsaday.

Sidoo kale, ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay meydadka dagaallamyaal Al-Shabaab ah oo weerarka soo qaaday, kuwaas oo ku daadsan goobta. Sawirro iyo muuqaallo ayaa laga soo qaaday, waxaana dadweynaha magaalada Baydhabo ay isugu soo baxeen Fagaaraha Afar Irdood oo la keenay meedadka si ay u arkaan.

“Ciidanka ayaa howlgalka kadib soo aruuriyay meydadka ilaa 18 xubnood o khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, wali waxaa ay cidanku wadaan uruurinta meydadka khawaarijta, qaarkoodna waxaa la basaday haraadigigi khawaariita la beegsaday.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska soomaaliya.

Weerarkaan Al-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo kooxda ay kordhisay weerarada ay ku qaadaan goobaha iyo saldhigyada ay ku suganyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here