Saturday, July 27, 2024

Beeralayda DDS oo loo qeybiyay dalagyo abuur

Jig-jiga (Dawan)- Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha oo kaashanaysa Xafiiska Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 11 kun oo kiintal oo abuurka xulka beeraha u kala dirtay degmooyinka Deegaanka ee helay roobabka Dayrta.

Abuurka tayaysan ee la gaarsiinayo degmooyinka leh wabiyada iyo kuwa uu ka da’ay roobka Dayrta ayaa isugu jira dalagyada kala ah Gallayda, Hadhuudhka, Sisinta, Shunburada iyo Digirta.

Maareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Muxumed Faarax ayaa sheegay in abuurka tayaysan ay ka faa’iidaysanayaan 83 degmo oo isugu jira kuwa roobka Dayrta hela iyo kuwa wax ku beerta waraabka.

Dhankiisa, Wasiirka Xafiiska Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida C/qaadir Iimaan ayaa tilmaamay in abuurkan loogu talo galay in la gaarsiiyo degmooyinka xilligan uu ka da’ayo roobka dayrta iyo kuwa ka faa’iidaysta waraabka si ay bulshadu uga faa’iidaysato xilligan oo degmooyin badan ay heleen roob.

Xukuumada Deegaanka Soomalida oo xooga saareysa wax soosaarka beeraha ayaa ku howlan sidii aay shacabka deegaanku ugu faa’iideysan lahaayeen roobabka Dayrta oo ka curtay qeybo badan oo deegaanka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here