Monday, April 7, 2025
Array

Beesha Caalamka oo Dalbatay in Degdeg loo qabto Madasha Qaran.

Beesha Caalamka ayaa codsatay in si degdeg ah loo qabto madasha madaxweyne Xasan ku dhawaaqay kaa soo ay sheegtay in loo baahanyahay in uu dhex maro Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha Federaalka, daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo bayaan soo saaray maanta, ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhinacyada Soomaaliya ay qasab tahay inay go’aan ka gaaraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka, iyo doorashooyinka si ay u awoodaan inay sii wadaan taageerada Soomaaliya.

“Waxaan ku boorrineynaa Dowladda Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha Federaalka, daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulshada inay si degdeg ah isugu yimaadaan oo ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ku saabsan amniga qaranka, arrimaha siyaasadeed, dastuurka, iyo doorashooyinka si looga jawaabo khatarta Al-Shabaab taasoo fududeyn doonta taageero dheeraad ah oo ka timaadda beesha caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dalabka Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan abuurista madal loogu talagalay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed, kaasoo uu ku dhawaaqay 29-ka Maarso 2025. Waxaa sidoo kale la soo dhaweyay jawaabaha togan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Baaqan beesha caalamka ee ku saabsan in degdeg loo kulmo ayaa yimid kadib taageero ballaaran oo horay uga timid hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Jubbaland, kuwaas oo dhammaantood codsaday in la bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan ajendaha, waqtiga, iyo cidda ka qeybgaleysa shirka.

Bayaankaaan beesha Caalamka ayaa u muuqada in qaar badan oo Su’alaha mafasha ku gamaadanaa soo afjartay  sida cidda ka qeeb galeysa iyo ajanadaha looga hadalayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here