Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo guushii ugu horeysay ka gaartay tartanka Cecafa U-15

Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa guushii ugu horeysay ka gaaray maanta tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda.

Da’yarta Soomaaliya ayaa hal iyo waxba ugu awood sheegtay Xulka Rwanda kadib markii ay ku kulmeen kulanka seddexaad ee wareegga heerka Group-yada tartanka Cecafa U-15.

Soomaaliya ayaa guul darro la kulantay labadii kulan ee lasoo dhaafay, taas oo ka dhigan in ay kasoo hareen tartanka

Ciyaartooyda Soomaalida maanta waxaa ka muuqatay isku xirnaan iyo isfahan qaab ciyaareed taas oo ka dhalatay khibraddi ay ka heleen kulmadi lasoo dhaafay.

Mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka wanaagsan sidi hore waxaana soo badanaya tartamada ay ka qeyb gelayaan xulka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan, iyada oo uu dhawaan xulka 18 jirada ka qeyb geli doono ciyaaraha Gobolka ayaa hadana waxa Morocco ku sugan xulka koowaad si ay ula ciyaaraan bishaan November xulalka Algeria iyo Uganda isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here