Saturday, July 27, 2024

Beesha caalamka oo war kasoo saartay wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu bogaadiyay dadaaallada Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuquda aadanaha oo ay ku jirto xuquuqda carruurta.

War-saxfaadeedka ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamku ay rajo weyn ka leedahay sii xoojinta taageerada mustaqbalka ah ee Soomaaliya si ay kaalin ugu yeelato fagaaraha caalamiga ah.

Beesha caalamku waxa ay soo hadal qaaday Khilaafka xoogan ee ka taagan wax ka bedelka iyo ansixinta lagu sameeyay cutubyada ugu horeeya Dastuurka, waxeyna bogaadisay tilaabada ku talagalka ah ee ay qaaday Soomaaliya si horumar looga gaaro dhameystirka Dastuurka.

Dhanka kale, waxa ay Beesha caalamku ugu baaqday saamileyda siyaasadda in ay sii laba jibbaaraan dadaaalkooda ku aaddan sidii loo mideyn lahaa aragtiyada si loo helo wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa ku soo aadaya iyada oo ay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing ay maanta booqatay magaalada Garoowe ee Puntland, halkaas oo ay kulan kula qaadatay Siciid Cabdulaahi Deni iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here