Saturday, July 27, 2024

Cabdi Xaashi: Xamaas waa dhaqdhaqaaq difaacaya dalkooda iyo dadkooda

Istanbul (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha ay Israel ku hayso shacabka reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza, iyo sida ay dunidu uga aamustay dhibaatada soo gaartay carruurta, waayeellada iyo dadka rayidka ah.

Cabdi Xaashi oo ka qeyb galaya Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanda Qudus ee shalay ka furmay Istanbul, ayaa yiri, ” Haddii waxa ku dhacaya Falastiiniyiinta (Gaza) ay ka dhici lahaayeen meelo kale oo adduunka ah, isla xisaabtan ayaa billaaban lahaa isla markiiba, laakiin beesha caalamku waxay ka baqaysaa Israel, oo ku hubaysan hubka reer galbeedka.”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay urruka Xamaas u aragto urur u taagan iska caabinta Israel iyo difaacidda dalkooda iyo dadkooda

“Mawqifka Soomaaliya ee qaddiyadda Falastiin wuxuu ahaa mid cad billawgiiba, anaga oo diidnay argagixisanimada lagu eedeynayo Xamaas , waxaana caddeeynay inay tahay dhaqdhaqaaq iska caabin ah oo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda .” ayuu yiri Cabdi Xaashi

Mar uu ka hadlayay sida lagu gaari karo xal waara, waxa uu Cabdi Xaashi hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu oo ilaalisa sharftooda iyo madax bannaanidooda.

“Waxaan sidoo kale xaqiijinay oo aan aaminsanahay in xalka saxda ah ee qaddiyada Falastiin uu yahay in la dhiso dowlad xor ah, madax bannaan , caasimaddeeduna tahay Qudus, iyada oo lagu salleynayo xuduudihii 1967-kii” ayuu raaciyay hadalkiisa Cabdi Xaashi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here