Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Doha ee caasimadda Qatar, kaas oo lagu bartilmaameedsaday guryo ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan ururka Xamaas.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarku uu ahaa mid toos ah loogu beegsaday deegaanno dad rayid ah degenaayeen , isla markaana uu ku xadgudbay madaxbannaanida qarannimo ee Qatar. “Falalkan waxay si cad uga hor imaanayaan dhammaan heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah, waxayna khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu qaado tallaabo degdeg ah si loo joojiyo falalka colaad hurinta ah ee soo noqnoqda, loona xaqiijiyo in dadka rayidka ah la ilaaliyo.
Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkaysatay in ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo sheegtay in ay si cad u diidantahay nooc kasta oo gardarro iyo duullaan ah oo lagu qaado dalalka madaxbannaan.
War-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa yimid kadib Weerar ka dhacay Doha kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan wafdiga siyaasadeed ee Xamaas oo ku sugnaa magaalada,
Qatar ayaa kaalin weyn ka qaadanaysay dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, taas oo sii kordhisay walaaca caalamiga ah ee ku aaddan weerarka.