Saturday, July 27, 2024

Ciidamada Jabuuti oo kasoo baxay saldhigyo ay ku lahaayen Beledweyne

Hiiraan (Dawan)- Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (ATMIS) ayaa kasoo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen ad goob joogayaal ah.

Ciidamadaan ayaa tan iyo sannadkii 2011 waxeyn kaalin weyn ka qaadan jireen sugidda amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne iyo gud ahaan gobolka Hiiraan, waxaana lala xiriirinaya soo bixidooda arrimaha dhanka amniga ah iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira maamulka Hirshabeelle.

Ciidamo ka kala amr qaata Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa la magaca baxay Hiiraan State ayaa ku sugan meel u dhow saldhigyadii ay ciidamada Jabuuti kasoo baxeen, waxaana laga cabsi qabaa inuu isku dhac dhax maro dhinacyada isku haya maamulka gobolka.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo maamulka Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin tilaabada ciidmada Jabuuti ay qaadeen iyo xaaladda ka tagaan gobolka Hiiraan.

Kaalinta ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan

Dowladda Jabuuti ayaa Soomaaliya usoo dirtay bishii January ee sannadkaan 817 askari kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa ahayd Dowladdii seddexaad ee kusoo biirta howlgalka Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya bishii December 2011, waxa ayna soo dirtay askar gaareysay xilligaas 960 kuwaas oo qeyb wayn ka qaatay soo celinta iyo nabadda Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ayaa saldhigyo ku leh Magaalooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan , waxayna ka garab dagaalameen Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, si Gobolka looga saaro Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirtay Dowladdda sannadihii lasoo dhaafay.

Sida ay dhowr jeer sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, ciidamada Jabuuti ayaa inta badan taageero u fidiya dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Beledweyne, iyaga oo gacan ka geysta abaabulka iyo daad gureynta dadka xilliyada roobabka ee Wabigu sameeyo fatahaado.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here