Wednesday, July 23, 2025

Ciidamada Kenya oo Adeegyo Caafimaad Siiyey Shacabka Kismayo

By Abukar Osman

Kismayo (Dawan )Ciidamada Kenya ee ka tirsan Hawlgallada Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa bixiyey adeeg caafimaad oo socday hal maalin , kaasoo loogu talagalay dadka xaafada Sharif Adha, oo ku taal meel u dhow Kismayo, Talaadadii.

Sida ay AUSSOM ku sheegtay boggeeda rasmiga ah, adeegga caafimaad ayaa ujeedadiisu tahay in dadka deegaanka ee baahiyaha caafimaad u baahan ay helaan adeegyo caafimaad, iyadoo sidoo kale la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya ciidamada iyo bulshada deegaanka.

“Ololaha caafimaadka wuxuu qeyb ka yahay dadaallada #AUSSOM ee lagu xoojinayo xiriirka bulshada, iyadoo la siinaayo taageero bini’aadaminimo oo muhiim ah, marka laga soo tago hawlgallada amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka AUSSOM.

Sida ay sheegtay Intii lagu guda jiray adeegga caafimaadka, ciidamada Kenya ayaa u sameeyay baaritaanno caafimaad kala duwan dadka deegaanka, iyagoo sidoo kale daaweyn ku sameeyay cuduro kala duwan.

Barnaamijkan qayb ka yahay barnaamijyo ay ciidamada Kenya ee AUSSOM ka fulinayaan Kismayo iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo ay sheegeen in lagu taageerayo isku xirnaanta bulshada iyo ciidamada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isfahanka dadka deegaanka iyo hay’adaha amniga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here