Wednesday, May 8, 2024

Dhaqaatiirta Kenya ee shaqo joojinta sameeysay oo mushaarka laga jarayo

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay joojin doonto mushaaraadka howlwadeenada caafimaadka ee sameeyay shaqa joojinta, kadib markii uu fashilmay wada xaajoodkii u socday xukuumadda iyo ururka dhaqaatiirta.

” Waxaan maxkmadda weydiisan doonaa in ay noo ogolaato inaan qaadi karno tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu damanaad qaadi karo in muwaadiniinteena helaan adeeg caafimaad oo joogta ah” ayay tiri, wasiirka caafimaadka Kenya. Susan Nakhumicha.

Howlwadeenada caafimaadka oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha, Farmashistayaalka iyo Ururka Dhaqaatiirta Ilkaha ayaa shaqo joojin billaabay 15-kii bishii March ee dhamaatay, iyaga oo dalbanayo in la fuliyo heshiiska xukuumadda iyo howlwadeenada caafimaadka ee lagu shaqaaleysano dhaqaatiir cusub, sidoo kalena lagu hagaajinayo dallacsiinta iyo mushaaraadka howlwadeenada caafimaadka.

Shaqa joojintan ayaa curyaamisay adeegyadii caafimaadka ee isbitaallada guud ee dalka Kenya, iyada oo muwaadiniinta ku qasabtay in ay adeeg caafimaad u doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay kuwaas oo ay ku baxeyso lacag aad u badan oo aysan awood u lahayn inta badan dadka Kenya.

Xukuumadda Kena ayaa sheegtay inay wax ka qabatay dhammaan arrimihii ay soo jeediyeen dhaqaatiirta sameysay shaqa joojinta marka laga reebo mushaharka dhaqaatiirta ku jirta tababarka.

Lucianne Odiero, oo sanadkii ugu dambeeyay caafimaadka ka dhigata Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegtay in tallabada dowladda ay ku dhimeyso mushaarka dhaqaatiirta ku jirta tababarka in ay tahay mid niyad jab leh.

“70,000 oo shilinka Kenya ah uma qalanto waxa nooga baxaaya cilmi baarista iyo waxbarashadeena, waxeyna tillaabada dowladdu muujineysaa in aysan mudnaan u lahayn daryeelka caafimaadka ee dalka” ayay tiri, Lucianne Odiero.

70,000 oo shilinka Kenya ah waxay u dhigantaa qiyaastii $520.

.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here