Wednesday, August 13, 2025

Ciidamada Soomaaliya oo dilay hoggaamiye sare oo AS ah

Xudur (Dawan) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa sheegaya in ay dileen hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, Cabdullaahi Abuukar Cali, kaddib howlgal milatari oo ka dhacay Axaddii meel 30 km waqooyi ka xigta magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka, oo dhacay saacaddu markay ahayd 7:00 subaxnimo, uu ahaa mid bartilmaameed gaar ah loogu qaaday Cabdullaahi Abuukar Cali, oo ay sheegeen inuu ahaa horjoogaha maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka, isla markaana uu ka shaqeyn jiray dhalinyarada lagu qoro kooxda.

“Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen CXDS.

Howlgalka ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya howlgallo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha iyo hogaamiyeyaasha Kooxda Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here