Thursday, August 7, 2025

Dowladda Federaalka oo difaacday Joogitaanka Ciidankeeda ee Gedo.

MUQDISHO (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku adkaysatay joogitaanka ciidamada qaranka ee gobolka Gedo, iyada oo ku eedeysay shaqsiyaad siyaasadeed oo la safan hoggaanka Jubbaland in ay hurinayaan xasillooni darro iyo iska horimaad ka dhan ah amniga qaran.

Qoraal war-saxaafadeed oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha 6-da Agoosto, ayaa lagu sheegay in xubno la xiriira madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ku mashquulsan yihiin abaabul colaadeed iyo faafin warar marin habaabin ah oo lagu doonayo in lagu qariyo dambiyo la sheegay inay lug ku leeyihiin.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u magacowday Maxamuud Sayid Aadan, oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, iyadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa rabshado hore uga dhacay Gedo, isla markaana uu dhawaan ku hawlanaa uruurinta xog la xiriirta gobolka.
Qoraalku wuxuu xusay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay muddo ka badan 15 sano ka howlgalayeen gobolka Gedo, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna la shaqeynayaan shacabka deegaanka si loo sugo amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasaaraddu waxay si cad u sheegtay in qof kasta ama koox kasta oo isku dayda hurinta xiisado cusub lala xisaabtami doono, lana qaaday tallaabo sharci ah haddii la arko falal wax u dhimi kara xasilloonida gobolka.
“Qof kasta ama koox kasta oo isku dayda hurinta qalalaase ama carqaladeynta dadaallada amniga qaranka waxaa lala xisaabtami doonaa si waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
“Dowladdu ma ogolaan doonto ficillo halis gelinaya nabadda, midnimada, iyo kala dambeynta bulshada.”

Dowladda ayaa sidoo kale uga mahadcelisay shacabka gobolka Gedo, kuwaas oo ay sheegtay inay muujiyeen waddaninimo, dulqaad iyo taageero ay siiyeen ciidamada qaranka iyo hay’adaha dowladda.
War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya iyadoo khilaafyo siyaasadeed oo muddo dheer ka dhaxeeyay dowladda federaalka iyo Jubbaland ay weli taagan yihiin, gaar ahaan arrimaha maamulka iyo amniga gobolka Gedo.

Isbuucyadii la soo dhaafay, xiisado amni ayaa laga soo sheegayay qeybo ka mid ah gobolka Gedo, sida magaalada Beled-Xaawo, oo dhowaan dagaal uu ku dhex maray ciidamo kala taabacsan Jubbaland iyo Dowladda Federaalka. Dagaalkaas ayaa ugu dambeyn sabab u noqday in ciidanka dowladda ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here