Friday, June 27, 2025

Booliska Soomaaliya oo 17 qof u xiray rididda Rasaas dabaal-degyo ah

Muqdisho (Dawan ) – Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen 17 qof oo isugu jira askar iyo shacab, kadib markii ay u adeegsadeen rasaas Dabaal-degyadii habeenka xurriyada 26 Juun 2025 ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliska  aya asheegay in 17 qof lagu soo xiray howlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo iskaashi la sameeyey hay’adaha kale ee amniga ee caasimadda Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay 26 Juun 2025 Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dadka la xiray lagu eedeeyay inay jebiyeen amar ka soo baxay dowladda, kaas oo mamnuucayay in rasaas lagu rido dabaaldegyada maalmaha xorriyadda.

Qoraalka Booliska ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo khasaaraha ka dhashay rasaasta ay rideen, waxaana la sheegay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamadda si sharciga loogu waafajiyo.

Intaa waxaa dheer, ciidamada amniga ayaa wali baadi-goobaya tiro kale oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen rasaas la riday xerooyin ciidan oo ku yaal goobaha ciidamada.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa horay u mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda ah, taas oo ay ku sababeeyeen in la xakameeyo wax kasta oo khalkhal amni keeni kara.

Dabaal-degyada maalmaha Xoriyadda ee 6-da Juun iyo 1-da Luulyo ayaa mararka qaar waxaa la maqlaa rasaas la riday, taas oo mararka qaar dadka shacabka ah ay u geysata dhaawac iyo dhimasho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here