Saturday, September 13, 2025
Array

Ciidanka Dowladda oo Khasaare culus Gaarsiiyay AS.

Ceel-Dheer (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa dilay tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib dagaal culus oo muddo 7 saacadood ah ka socday degmada Ceel-Dheer, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, galabta.

Fiqi oo war-saxaafadeed muqdisho ku qabtay dagaalka kadib ayaa sheegay in ciidanku weli daba socdaan firxadkii Al-Shabaab ilaa 20 kiilomitir dhanka waqooyi ee magaalada, isla markaana ay ururinayaan meydadka dagaalyahannadii la dilay.

“Saacaddan hadda la joogo waxaa la uruurinayaa meydadkii iyo dhaawacyadii kooxda. Ciidankeenna waxay daba joogaan inta firxad ah oo meydad iyo dhaawac wata, meel 20 kiilomitir Ceel-Dheer u jirta dhanka waqooyi ayaana hadda lagu baacsanayaa,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda meydadka in ka badan 30 dagaalyahan la ururiyay, iyadoo xogta sirdoonku xaqiijisay in kooxda ay qaateen ugu yaraan 110 kale oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Guud ahaan, khasaaraha dhimashada Al-Shabaab ayaa lagu qiyaasay in uu ka badan yahay 90, halka dhaawacooduna uu dhaafayo 50.

Dhanka kale war-saxaafadeed ay soo saartay wasaarada Gaanshaadhiga ayaa lagu sheegay in dhanka dowladda ay ka dhinteen 6 askari iyada oo 14 kale ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in labo sarkaal oo sar sare oo Al-Shabaab ah lagu dilay dagaalka – mid lagu magacaabo Daadulah, iyo mid kale oo lagu magacaabo Saabir.

“Waxaan xaqiijinay in labadii nin ee hoggaaminayay maleeshiyada Khawaarijta halkaas lagu dilay.” ayuu yiri Fiqi.

Al-shabaab ayaa saakay weerar ku soo qaaday degmada Ceel-dheer ayaga oo sheegtay in ay la wareegeen degmada, Fiqi ayaa xaqiijiyay in ay jiraan sawiro ay ku galeen magaalada gaar ahaan goobaha ay dagaaladu ka socdeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here