Monday, July 14, 2025

Ciidanka Macawiisley oo Howlgal ka Fuliyey duleedka Raaga Ceelle

Muqdisho (Dawan) – Subaxnimadii hore ee Jimcaha, ciidanka Macawiisley ayaa fuliyay howlgal aagga Moora Godan, oo ku yaalla qiyaastii 5 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobtan u isticmaalay sidii ay u daweyn lahaayeen dhaawacyadooda iyo sidii ay uga qorsheyn lahaayeen weeraro dheeri ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya 4-ta Luulyo 2025 ayaa lagu sheegay in ciidanka Macawiisley ay ku guuleysteen inay kooxda Al-Shabaab gaarsiiyaan khasaare culus, iyagoo burburiyay qasriga ay ku dhuumaaleysanaayeen, isla markaana baabi’iyay hawlahooda.

Tirada khasaare ee dhabta ah ee  ka soo gaartay labada dhinac weli lama haayo.

“Ciidanka Macawiisley ayaa gaarsiiiyay maleeshiyaadka khasaare culus goobtan, iyagoo baabi’iyay goobahooda dhuumaalaysiga iyo inay fashiliyeen hawlahooda, taas oo wiiqday awooddooda inay khatar gelinayaan amaanka bulshada deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaradda waxa  ay sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si degdeg ah taageero ugu fidiyeen ciidanka Macawiisley, taas oo xaqiijisay guusha howlgalkan. Wasaaraddu sidoo kale waxay tilmaantay in howlgalkan uu qeyb ka yahay istiraatiijiyadda guud ee lagu xoojinayo amniga dalka iyo la dagaallanka kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada bulshada ayaa sii wadi doona howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga, nabadda, iyo badbaadada dhammaan muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga. Ciidanka Macawiisley, oo ah ciidamo u abaabulan qaab ku saleysan beelaha Soomaalida, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab gaar ahaan deegannada Hiiraan iyo Shabelleha Dhxe, Iyadoo ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisley ay ka wada shaqeeyaan sidii ay Alshabaab ugala wareegi la haayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here