Kathmandu (Dawan) – Dalka Nepal ayaa galay qalalaase siyaasadeed Talaadadii kadib markii mudaharaadyo dalka ka dhacay isu rogeen rabshado culus, taas oo keentay iscasilidii Ra’iisul Wasaare KP Sharma Oli iyo ciidanka oo la wareegay xukunka dalka buuraleyda Himalaya.
Dibadbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay baarlamaanka, xafiisyada dowladda, gaadiidka iyo guryaha mas’uuliyiinta sare. Bartilmaameedyada la gubay waxaa ka mid ahaa guriga Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Macluumaadka Prithivi Subba Gurung, iyo hoyga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaarihii hore KP Sharma Oli. Sidoo kale iskuul uu leeyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Arju Rana Deuba ayaa dab la qabadsiiyay.
Rabshadaha ayaa gaarey qasriga taariikhiga ah ee Singha Durbar ee magaalada Kathmandu, oo hoy u ah wasaarado badan, iyadoo dadka mudaharaadaya ay weerareen dhismayaal dowladeed. Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay rabshadahan oo socday laba maalmood.
Fiidnimadii Talaadada, ciidanka Nepal ayaa soo farageliyay si ay u soo celiyaan kala dambeynta. “Ciidanku wuxuu ka howlgalayaa guud ahaan dalka,” ayuu qoray wargeyska SetoPati, iyadoo askar ilaalisa goobaha muhiimka ah iyo dejinta rabshadaha la geeyay goobaxa banaanbaxa uu ka socdo. Dibadbaxayaashu waxay sidoo kale burburiyeen hanti dadweyne iyo xabsiyo ay maxaabiis ka sii daayeen.
Horay, Taliyaha Ciidanka, Jenaraal Ashok Raj Sigdel, ayaa ugu baaqay deganaan iyo wadahadal bulshada, isagoo ku tilmaamay in uu yahay jidka kaliya ee lagu xallin karo qalalaasaha.
Iscasilaadda Ra’iisul Wasaare Oli waxay calaamad u tahay burburkii dowladdii la soo doortay 2018, iyadoo sii xoojineysa hubanti la’aanta siyaasadeed ee Nepal ka jirtay muddo dheer.