Burao (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Arbacadii dhagax-dhigay cusbitaal casri ah oo takhasusyo badan yeelanayo, kaasi oo laga hirgelinayo magaalada Burao, waxaana lagu tilmaamay mashruuc taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona adeegyada caafimaadka Soomaliland iyo deegaannada Soomaalida.
Isbitaalkaan cusub oo uu maalgelinayso Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isla markaana lagu magacaabi doono Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa la filayaa inuu noqdo xarunta caafimaad ee ugu weyn uguna casrisan Somaliland.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in cusbitaalku bixin doono adeegyo caafimaad oo takhasusyo badan leh, isla markaana lagu qalabeyn doono tiknoolajiyad casri ah iyo aqoon heer sare ah, taas oo yarayn doonta baahida ay dadka ugu safraan dibadda daaweyn.
“Cusbitaalka maanta laga dhagax-dhigayo Burco waxa uu noqon doonaa mashruucii ugu ballaadhnaa ee caafimaad ee laga dhiso Somaliland laga soo bilaabo 1960-kii,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro mar oo ka hadlayay xafladda.
Madaxweynaha waxa uu carrabka ku adkeeyay in Isbitaalkaan uu xallin doono caqabado muddo dheer ka taagnaa helitaanka adeeg caafimaad oo horumarsan, isaga oo xusay doorka uu ku yeelan doono kobcinta horumarka bulshada iyo dhaqaalaha gobolka.
Waxa kale oo uu tilmaamay in mashruucan uu ka mid yahay qorshaha ballaaran ee xukuumaddiisa ee lagu horumarinayo adeegyada iyo kaabeyaasha nolosha bulshada.